Weerarro kala duwan ayaa sida ay wararku tibaaxayaan ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay gobollada Hiiraan, Shabeellaha hoose, Banaadir iyo sidoo kale gobolka Gaarisa oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumeysiga Kenya.
Gobolka Hiiraan, saaka waxa uu marti-geliyey dagaal ay xoogagga Al-Shabaab kula wareegeen gacan-ku-heynta deggaanka Coomaad oo hoos-taga degmada Matabaan.
Goobtan ayay jihaadiyiintu ka cayriyeen maleeshiyaadkii Gurguurte ee ku sugnaa, kuwaas oo sida la sheegay uu gaaray khasaare kala duwan.
Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay weerar culus oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay ku mireen xeryaha ciidamada Afrikaanta iyo maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Jannaale.
Sidoo kale, jihaadiyiintu waxay isla habeennimadii xalay weerar culus ku ekeeyeen saldhig ay maleeshiyaadka Villa Soomaaliya ku leeyihiin deggaanka Mubaarak.
Gobolka Banaadir, waxaa isna ka dhacay saacadihii lasoo dhaafay, qarax culus oo mintidiintu ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho gaar ahaan deggaanka Waydow.
Sida ay xogtu tibaaxayso, qaraxan ayaa lala beegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka sirdoonka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan Duufaan.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in qaraxan uu ku dhintay ugu yaraan 1 askari oo lagu magacaabi jiray Kooshin, isla markaana ay ku dhaawacmeen 3 askari oo kale.
Xogta ayaa intaas ku dartay, in mid ka mid ah askarta dhaawacantay uu yahay sarkaal taliye koox ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay Dhaqmaaye, iyo askari kale oo lagu magacaabo Carab.
Gobolka Gaarisa, waxaa ka dhacay weerar culus oo jihaadiyiintu ay ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Kamuudeey oo ah deggaan saaran webiga Taanariifa, oo hoostaga degmada Gaarisa.
Sida ay xaqiiiyeen ilo-wareedyo aanu helnay, weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 askari oo Kenyaati ah, waxaana lagu gubay laba teendho oo sahay kala duwani ay ku kaydsanayd oo ku yaallay gudaha xerada la weeraray.
